Beledweyne,(insidesomalia.org)-Barqanimadii saaka ayaa Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa Kala Beyrka oo ka tirsan Degmada Baladweyne ay u soo dhaqaaqeen dhinaca Magaalada, iyadoo bannaanka Magaaladana ay difaac xoogan ugu jireen Maxkamaddaha Islaamiga, halkaasi oo dagaal xoogan uu ku dhex maray labada dhinac.
Wararka laga helayo Baladweyne ayaa sheegaya in haatan Ciidamada Itoobiya ay qarka u saaran yihiin afka hore ee Magaalada Baladweyne oo ay ka awood roonaadeen Ciidamadii Maxkamaddaha Islaamiga.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in Ciidamada Maxkamaddaha ay isaga soo Baxeen difaacii ay ku jireen, waxayna u soo dhaqaaqeen dhinaca Beer Xano ee xiga Buule Burde ee Gobolka Hiiraan.
Ciidamada Maxkamaddaha Islaamiga ayaa isku dayey in ay iska daafacaan Ciidamada Itoobiya ee u soo ruqaansaday Dhanka Magaalada Baladweyne kuwaasi oo doonayey in ay fariisin ka dhigtaan Buurta Janta Kundishe, waxayna Ciidamada Itoobiya ay hadda ku sugan yihiin duleedka Magaalada Baladweyne, iyadoo ay doonayaan in ay gudaha u soo galaan Baladweyne sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Lama ogaan karo khasaaraha dagaalkaasi ka dhashay inta uu la eg yahay, waxaase wararku sheegayaan in xiisad kulul ay ka taagan tahay Baladweyne oo aysan jirin cid hada Maamusha oo xaaladeeda wax laga weydiinayo.